Khamiis, July 03, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa howlgallo ay ka fuliyeen waxay ku soo qabqabteen rag burcad ah oo dadka safarka ah ku dhici jiray inta u dhaxeysa Degmooyinka Cadale ee Raage Ceelle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Macallin C/raxmaan Xasan Xuseen oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu sheegay in ragga Burcadda ah ee ay soo qabteen ay ka qaadi doonaan tallaabo waafaqsan shareecada Islaamka, wuxuuna xusay in ay in muddo ah dhibaato ku hayeen dadka shacabka ah ee u kala safra Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ee Dalka.
Dadka ku dhaqan inta u dhaxeysa labadaas degmo ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen howlgalka ay xoogagga Maxkamadaha ka sameeyeen halkaas, iyadoo ay xusid mudan tahay in intii aysan Xoogagga Maxkamadaha tegin halkaas ay dhibaato isku qabeen dadka deegaanka iyo Kooxahaas Burcadda ah oo mararka qaarkood dadka safarka isugu dari jiray dil, dhaawac, dhac iyo fara-xumeyn.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Xoogagga Maxkamadaha Islaamka howlgallo ka sameeyaan Wadada xeebta marta ee ku kacda Gobollada Dhexe, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale ay soo qabqabteen kooxo burcad ah oo isbaaro u dhiganayay dadka safarka ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia