Dugsiyada hoos-taga Jimciyadda Makka Al-Mukarrama oo bilaabaya Waxbarashadii Sanad-Dugsiyeedka 2008-2009


Khamiis, July 03, 2008(HOL): Xaflad lagu maamuusayay bilaabashada Sanad-dugsiyeedka 2008-2009 ee Dugsiyada hoos-taga Jimciyadda Makka Al-Mukarrama oo kala ah Dugsiyada Jaabir Bin Xayaan, Makka Al-Mukarrama iyo Macallin Jaamac ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga Macallin Jaamac ee Magaalada Muqdisho.

Xafladdaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Jimciyadda Makka Al-Mukarrama, Guddiga Olombikada Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Waxaa ka hadlay Xafladda Guddoomiye ku xigeenka Jimciyadda Waxbarashada Makka Al-Mukarrama C/llaahi Jaamac Xasan, wuxuuna si weyn u soo dhaweeyay dib u bilaabashada Sanad-dugsiyeedka 2008-2009 ee Dugsiyada hoos-taga Jimciyadda Makka Al-Mukarrama, wuxuuna u mahad-naqay mas’uuliyiinta Dugisyada Jaabir Bin Xayaan, Makka Al-Mukarrama iyo Macallin Jaamac oo iyagu soo qaabeeyay xaflad lagu maamuusayay dib u bilaabashada sanad-dugsiyeedka seddexdaas dugsi.

Sidoo kalena waxaa xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow iyo ku xigeenkiisa Aadan Xaaji Yabarow Wiish, waxayna labaduba sheegeen in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay ka soo qeybgalaan xaflad lagu maamuusayo dibu bilaabidda sanad-dugsiyeedka Dugsiyada hoos-taga Jimciyadda Waxbarashada Makka Al-Mukarrama.

Intii ay Xafladda socotay ayaa waxaa shahaaddooyin la guddoonsiiyay Guddiyo Waxbarasho oo ay leeyihiin Dugsiyada Jaabir Bin Xayaan, Makka Al-Mukarrama iyo Macallin Jaama, kuwaasi oo lagu abaal-mariyay sabab la xiriirta sidii ay isugu xirayeen sanad-dugsiyeedkii hore Ardayda, Macallimiinta, Maamulka iyo Waalidiinta.

Sidoo kale waxaa iyana la abaal-mariyay Ardaydii seddexaas Dugsi kaalinta koowaad ka galay, waxaana ardaydaas loo ballanqaaday inay Sanad-dugsiyeedka soo socda ku dhigan doonaan lacag la’aan, halka ay bixin lahaayeen lacag dhan 120$, sidoo kalena Arday iyaguna hormuud u noqday Fasallada seddexdaas Dugsi ayaa iyaguna lagu abaal-mariyay in laga bixiyo Buugaagtii ay wax ku baran lahaayeen sanad-dugsiyeedka soo socda.

Intaas kadib waxaa iyagana shahaadooyin iyo Billado la siiyay Koox Kubadda Kolayga ah oo uu leeyahay Dugsiga Jaabir Bin Xayaan, waxaana si gaar ah loo sii abaal-mariyay Macalinka Kooxda Aba-juu iyo labo ciyaaryahan oo lagu kala magacaabo Mandella iyo Afraxow, kuwaasi oo wacdaro ka dhigay Tartankii Horyaalka Koobka Kubadda Kolayga Jen. Daa’uud ee dhawaan la soo gebagebeeyay.

Ugu dambeyntiina, 7-da bishan oo ku beegan Isniinta soo socota ayaa waxaa si rasmi ah u bilaaban doona Sanad-dugsiyeedka 2008-2009 ee Dugsiyada hoos-taga Jimciyadda Makka Al-Mukarrama.










Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia