Khamiis, July 03, 2008(HOL): Waxaa shalay gelinkii dambe lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya alle ha u naxariistee C/kariin Shiikh Ibraahim oo ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaano Dalka Soomaaliya.
Marxuumka ayaa isagoo ka tegay Suuqa Bakaaraha waxay kooxo hubeysan ku toogteen inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ee Degmada Hodan, kuwaasi oo markii ay dilka geysyeen kadib baxsaday.
Alle ha u naxariistee C/kariin Shiikh Ibraahim marka laga soo tago in uu ahaa ganacsade si weyn loo yaqaan waxaa uu dhanka ahaa guddoomiyaha Guddiga Taakuleynta Agoonta Soomaaliyeed, wuxuuna gacanta ku hayay Agoon gaareysa 1060 agoon ah oo laga soo kala uruuriyay Magaalooyinka Muqdisho, Burco iyo Marka.
Xoghayaha Guud ee Guddiga Taakuleynta Agoonta Maxamed Rashiid Shiikh Xasan ayaa sheegay in intii aan marxuumka la dilin ay daqiiqado ka hor ka wada hadlayeen sidii waxbarasho jaamacadeed loogu heli lahaa qaar ka mid ah Agoonta ay gacanta ku hayaan oo soo dhameystay Waxbarashada Dugsiga sare.
Sidoo kalena, Afhayeenka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Col. C/llaahi Xasan Bariise oo ka hadlay dilka marxuumka ayaa wuxuu cambaareeyay kooxihii dilay, wuxuuna sheegay in agoontii uu marxuumka gacanta ku hayay ay mar kale sii agoontoobeen.
Ugu dambeyntiina, Agoonta uu gacanta ku hayay marxuum C/kariin Shiikh Ibraahim ayaa waxay yihiin kuwo ay xanaaneyn jirtay Hay’ad lagu magacaabi jiray Al-xarameyn, taasi oo uu Mareykanka ku soo rogay xayiraad wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen qaraxyadii 11-kii September ee dhulka la simay Daarihii mataanaha ahaa (Twin Towers) ee ku yaalay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia