Khamiis, July 03, 2008(HOL): Afar Ruux ayaa maanta waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisgho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, iyadoo dadkaasina ay isugu jireen seddex ruux oo rayid ah iyo askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.
Seddex Ruux ee rayidka ah ayaa waxaa saaka lagu dilay Isgoyska Sanca ee kala qeybiya Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, waxayna dhimashada dadkaasi timid kadib markii nin maleeshiyooyin ah oo doonayay in dhac u geysto dad saarnaa gaari rakaab ah uu qorigii uu watay la qabsaday nin uu doonayay in uu Taleefoon Mobile ah ka qaato, iyadoo taasina ay keentay in uu ninkii maleeshiyada ahaa uu qorigii la baxsado kadibna uu rasaas ku furay jihadii uu ka xigay ninkii doonayay in uu qoriga la qabsado.
Halkaas waxaa ku geeriyooday ninkii is-lahaa ninka Maleeshiyada ah qoriga la qabso inta uusan ku dhicin, haweeney iyo nin kale oo wadada socday, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray canug ay xambaarsaneyd haweeneyda geeriyootay.
Dhanka kalena, Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu toogtay gudaha Degmada Dayniile, waxaa la sheegay in ay ninkaas toogteen Rag hubeysan oo meel dheer ka soo shiishay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa ku soo badanayay dilalka, qaraxyada iyo iska hor-imaadyada, iyadoo taasina ay magaalada ka dhigay mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia