Khamiis, July 03, 2008(HOL): Isimada Gobolka Bari ayaa sooo dhaweeyay baaq ay dhawaan soo saareen Isimada Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Nugaal baaqaasi oo isimadu maalin ka hor ka soo saareen Magaalada Gorowe ee Caasimada Dawlad Goboleedka Puntland kagana hadlayeen xaalada guud ahaaneed ee Puntland
Kulan ay maanta isugu yimaadeen Isimada Gobolka Bari ayey ku sheegeen in si cad ay uga soo horjeedaan War saxaafadeed maalintii shalay ahayd ka soo baxay xafiiska Wasaarad warfaafinta Puntland kaasi oo ay wasaaradu ku sheegtay in aysan waxba kala socon baaqa ay Isimada Puntland ay ka soo saareen arimaha Nabad galyada.
Isimada Gobolka Bari ayaa ku tilmaamay war murtiyeedkaasi in uu ahaa mid khaldan oo wax wayn u dhimaya xiriirka Maamulka iyo Ismada ka dhaxeeya.
Isimadaan maanta kulanka yeeshay ayaa sheegay in ay haboontahay sidii isimadu ay uga hadli lahaayeen arimaha ka taagaan dalkooda waa sida ay hadalka u dhigeen qaar ka tirsan Isimada oo maanta ka qayb kulankii ay ku yeesheen Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Cabdi Casiis Maxamuud Yuusuf Afgaduud oo ka mid Naboodanada ugu caansan deegaanada Puntland ayaa tilmaamay in isimadu ay ka go,antahay sidii ay uga hadli lahaayeen nabada Puntland
Khilaafka soo kala dhax galay Isimada iyo maamulka Dawlad Goboleedka puntland ayaa noqday iminka mid cirka isku shareeray ,waxaana uu keeni karayaa kala qaybsananaan dhinaca maamulka ah iyo isimada ka dhax dhasha hadii u sidaan ku sii socdo
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia