Khamiis, August 28, 2008(HOL): Markab laga leeyahay Dalka Cumaan oo muddo sideed bilood ah af-duub loogu haystay xeebaha Degmada Ayl ee Maamulka Puntland ayaa shalay gelinkii dambe ay sii daayeen kooxihii af-duubka u heystay.
Markabkan ayaa ahaa nooca Kalluumeysiga, waxaana la af-duubtay xilli uu ka tagay dekadda Magaalada Boosaaso bishii Janaayo ee la soo dhaafay.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in uu geeriyooday mid ka mid ah shaqaalihii saarnaa Markabkaasi oo u dhashay dalka Indonesia, waxaana lagu aasay deegaanka Ilig Maadama ruuxaasi geeriyooday uu ahaa Muslim
Mid ka mid ah dadka deegaanka Ayl ayaa u sheegay HOL in shaqaalaha Markabkaasi saarnaa ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nolosha ah intii af-duubka loogu haystay degmadaasi Ayl.
Markabkan Cumaaniga ah oo ay saarnaayeen Shaqaale isugu jira Somali iyo Ajnabi ayaa markii la sii daayay u shiraacday dhankaas iyo Dalka Cumaan, iyadoo lacag Madax furasho ah la siiyay kooxihii af-duubka u haystay.
Dhamaan Maraakiibta af-duubka loogu haysto xeebaha Puntland ayaa gaaraya ilaa iyo todobo Markab, kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo soo af-duubtay, waxaana qaarkood laga kala leeyahay wadamada Malaysia iyo Japan.
Sii deynta Markabkani ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, Xili beryihii u danbaysay Af-duubka Maraakiibta uu Caadi ka noqday xeebaha ku teedsan deegaanada Puntland, waxaana Maamulka Puntland uu khaati ka soo istaagay Xakamaynta Kooxaha Burcad Badeedka ah.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia