Khamiis, August 28, 2008(HOL): Muhaajiriin Afrikaan ah oo ay ku jireen kuwo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Badda Mediterenian-ka ee u dhaxeysa Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.
Dadkaas oo ka kala socday Dalalka Somalia, Sudan, Ethiopia, Eriteria iyo Ghana, isla markaana ay tiradooda guud dhameyd 79 Muhaajir ayaa ayaa waxaa kaliya laga badbaadiyay 8 ruux oo ay u soo gurmadeen Kalluumeysato ah.
Dadka dhintay waxaa ku jiray 8 dumar ah oo afar ay Uur lahaayeen iyo ilmo yar, kuwaasi oo Badda ku haftay kadib markii doontii ay la socdeen ay qalibantay. 8da ruux ee shilkaas ka badbaaday ayaa markii la badbaadinayay waxay ku dheganaayeen burburka doontii ay la socdeen oo nooca la buufiyo ahayd.
Tahriibayaal badan oo ka taga dalalka Afrika ayaa waxay Badda Mediterinian-ka uga tallaabaan dalalka Malta iyo Talyaaniga, waxayna dadkaasi oo isu socda 30 ruux ay Baddaas uga tallaabaan Doomo Alwaax ka sameystay, kuwaasi oo inta badan ay tahriibayaasha halis ka soo gaarto.
Dhawaan ayay ahayd markii labo Doomood oo ay la socdeen Muhaajiriin Soomaali ah lagu waayay Badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la heynin meel ay ku dambeeyeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia