Muwaadiniin Soomaliyeed oo Dil iyo Dhawaac loogu geystay Dalka South Africa

Khamiis, August 28, 2008(HOL): Fiidnimadii Xalay ayaa waxaa soo weeraray Dukaan ku yaalay Tuulo ku dhaw Magaalada Rustenburg ee Gobolka Waqooyi Galbeed ee Dalkan Koonfur Africa Tuugo South African ah oo bistoolado ku hubeysnaa.

Kooxaha hubeysan  ayaa markii ay Dukaanka soo galeen waxay isla markiiba Madaxa ka Toogteen Guuleed Maxamed Diini oo markaas ku sugnaa halka lacagta lagu qaado iyagoo sidoo kale Lugta xabad kaga dhugtay yar kale oo Shaqaalaha Dukaanka ka mid ahaa kaasi oo uu soo gaaray Dhaawac fudud.

Intaas kadib Kooxihii Burcadda ahaa waxaa ay qaateen wax alaale iyo wixii u fududaa markaas sida Lacag iyo alaabo kale oo fudud, waa sida uu ii xaqiijiyay  Cali Daahir oo ka mid ah Ganacsatada magaalada Rustenburg.
 
Dukankan  ayaa horay waxaa loogu dilay labo Muwaadin oo Soomaali ah Sanadkii hore, iyadoo la dhacay marar badan. Kuma cusba Dilka iyo Dhaca loo geysta Muwaadiniinta Soomaalida ah ee Dalka Koonfurta Africa tirada lagu dilay dalkan-na ayaa gaareysa Boqolaal Muwaadin oo Soomaali ah.
 
Saciid Cabdulle Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg, South Africa