Madaxii Xafiiska Muqdisho ee Hay’adda UNHCR oo la sii daayay kadib Af-duub muddo labo bilood ah lagu heystay

Khamiis, August 28, 2008(HOL): Waxaa xoriyaddiisii dib u helay oo la sii daayay Madaxa Xafiiska Muqdisho ee Hay’adda  UNHCR Xasan Maxamed Cali Keynaan oo ay kooxo hubeysan muddo 2 bilood ah af-duub ku heysteen.

Xasan Keynaan oo markii la soo daayay kadib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xoriyaddiisa dib u helay, wuxuuna caddeeyay in uusan wax dhibaato ah qabin marka laga reebo in uu daallan yahay.

“Ma jiraan wax dhibaato ah oo aan qabo, kaliya waxaan dareemayaa daal badan, dhaawacyo i soo gaaray markii la qabanayayna waan ka soo bogsoonayaa”ayuu yiri Xasan Maxamed Cali Keynaan oo sheegay in markii ay kooxaha af-duubtay qabsanayeen ay xabad kaga dhufteen qoorta iyo jilibka balse uu haatan dhaawacaas ka soo bogsoonayo.

Sarkaalkan u shaqeynayay Hay’adda UNHCR oo reerkiisa dib ula midoobay kadib muddo af-duub lagu heystay waxaa uu sheegay in aan lagu sii deynin wax madax-furasho ah, wuxuuna sheegay in ay kooxihii af-duubtay ay sii daayeen kadib markii ay ku qanceen howsha bani’aadannimada ah ee uu hayay.

Intii sarkaalkan af-duubka loo heystay ayaa waxaa Muqdisho lagu dilay madaxii Hay’adda UNDP Somalia Cusmaan Cali Axmed, kaasi oo ay kooxo hubeysan toogteen isagoo ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday.

Af-duubka iyo dilalka loo geysto saraakiisha Hay’adaha gagaarka ayaa muddooyinka waxay ahaayeen kuwo ku soo badanayay gudaha Soomaaliya, iyadoo taasina ay keentay Mas’uuliyiin badan oo ka shaqeynayay samafalka ay dalka isaga baxaan sababo la xiriira ammaankooda aawgood.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia