Khamiis, August 28, 2008(HOL): Kulan gar-naqsiya oo ay isku soo hor-fadhiisteen labada dhinac ee ku kala baxay gunaanadkii shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee magaalada Burco, ayaa la sheegay inuu ku dhamaaday jewi degen. Isla markaana loo ballamay maanta laysu yimaado mar kale.
Sida uu qoray Wargeyska Ogaal, Kulankan oo ay gadh-wadeen ka ahaayeen ergo tobban xubnood ah oo isugu jira Salaadiin iyo aqoonyahano u badan qurbe-joog, kuwaasoo isu xilqaamay inay xal u raadiyaan khilaaf soo kala dhex-galay masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga Kulmiye, waxa laysku waydaarsaday oo dhinac kastaaba uu soo bandhigay cabashadiisa. Inkasta oo laga fogeeyay kulankaas saxaafadda, hadana warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labada dhinac ay uga qaybgaleen min toddoba xubnood. Kuwaasoo kala ah; Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Guddoomiye ku xigeenka Muuse Biixi Cabdi, Xil. Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), Maxamed Cabdi Iskeerse, Dr Cabdi Aw Daahir, Maxamed Kaahin Axmed iyo Xuseen Axmed Caydiid oo isku dhinac ah; Iyo dhinaca kale oo uu horkacayay, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Tolwaa), Axmed Xaaji Cali Cadami, Xil. Maxamed X Maxamuud Cumar Xaashi, Xil. Ibraahim Jaamac Rayte, Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegawayne), Dr Cumar Cilmi Dixood, Dayr Maxamed Cilmi.
Xogaha ka ag-dhawaa kulankaasi waxay tibaaxeen in labada musharrax ee u tartamayay jagada madaxweyne ku xigeenka uga qaybgalaya doorashada Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashooda qaadacay shirkii golaha dhexe ay ku doodeen in iyadoo ay kaga baxeen madashii shirka inka badan 60 xubnood oo golaha dhexe ka tirsan ay filayeen in shirka la hakiyo, isla markaana laga qanciyo tabashadooda iyo in musharrixiinta u tartamayay musharraxa xisbiga ee ku xigeenka loo garsooro oo guddoomiyuhu maadaama aan musharraxa madaxwenenimada lagula tartamayn ay ahayd inuu dhex u ahaado, balse halkii laga sii waday shirkaa oo ay ku warheleen uun go’aamo ka soo baxay, sidaa daraadeedna ay ugu dhawaaqeen inay abaabulayaan shir kale. Sidoo kale, waxay xogahaasi intaa ku dareen in dhinaca kale ee uu hor-kacayay Axmed Siillaanyo ay ku gar-naqsadeen inaanay filayn ka-bixitaankooda shirka, isla markaana ay u qaateen inay burburinayaan, iyadoo dhawr jeer oo hore shirka golaha dhexe la hakiyay si xal looga gaadho arrimaha lagu muransanaa, hase ahaatee, waxa warku intaa ku daray in hogaanka Kulmiye uu ka garaabay cabashada labada musharrax iyo taageerayaashoodu ku doonayeen in shirka loo joojiyo. Sidaa daraadeedna, waxa loo soo jeediyay xulufada Cabdiraxmaan Tolwaa iyo Caddami inaanay sii fogaan ee ay la yimaadaan tanaasulaad.
Ilo-wareedyada aanu soo xiganay waxay tibaaxeen in maanta 9:00 subaxnimo loo ballamay go’aan laga sugayo dhinaca labada musharrax iyo taageerayaashoodii shirka ka baxay, kaasoo lagu wado inay ku cadeeyaan tallaabada tan xigaysa ee ay qaadayaan waxay noqonayso. Wararka ka imanaya magaalada Burco ayaa sheegaya in isla xalayba labada musharrax iyo taageerayaashooda golaha dhexe ee Kulmiye ay bilaabeen inay ka arrinsadaan waxay ka yeelayaan go’aanka maanta laga sugayo.
Salaadiinta hor-kacaysay ergeda dhexdhexaadinta waxa ka mid ahaa; Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Cabdiraxmaan Qoddax.
Khilaafkan labada dhinac ee Kulmiye ayaa ka dambeeyay, markii shirkii golaha dhexe ee xisiga uga socday magaalada Burco ay banaanka uga baxeen musharraxiinta kala ah Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Tolwaa) iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo biyo-diiday tallaabooyin ay sheegeen inuu guddoomiyaha Kulmiye ugu xagliyay musharrax Cabdiraxmaan Saylici oo markii dambe loo wada doortay Msharraxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka xisbigaas uga qaybgalaya doorashooyinka la filayo inay dalka Somaliland ka dhacaan horaanta sannadka soo socda.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Kulamo lagu dhexdhexaadinayo labada Garab ee uu u kala jabay Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ka bilaabmay Burco
More News
- Markab Muddo 8 Bilood ah af-duub loogu haystay Xeebaha Puntland oo la sii daayay
- Muwaadiniin Soomaliyeed oo Dil iyo Dhawaac loogu geystay Dalka South Africa
- Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo si fowdo ah ku dhegeystay khudbooyin ay u jeediyeen madaxda sare ee Dowladda
- Madaxii Xafiiska Muqdisho ee Hay’adda UNHCR oo la sii daayay kadib Af-duub muddo labo bilood ah lagu heystay
- Tahriibayaal ay Dad Soomaali ah ku jireen oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga
- Caruur ka tirsan Qoysaskii ku barakacay Degmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan oo Nafaqo daro u geeriyootay