Khamiis, August 28, 2008(HOL): Wararka laga helayo Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay in ka badan 7 Caruur ah oo ka tirsan Qoysaskii dhawaan ka barakacay Dagaalladii ka dhacay Magaalada Beledweyne u geeriyoodeen Nafaqo darro kadib markii ay waayeen kaalmo iyo gar-gaarkii ay u baahnaayeen.
Sida uu HOL u sheegay C/risaaq Doollar oo ka tirsan dhaliyarada Degmada isla markaana u ololeynaya sidii gurmada loo gaarsiin lahaa Qoysaska ku soo barakacay Degmadda Jalalaqsi ayaa sheegay in Caruurta geeriyootay intooda badan ahaayeen kuwo markii horeba ka tirsanaa Qoysas sababtoo ah oo aan waxba heysan, hadana xaaladdu ku sii xumaatay kadib markii ay ka soo barakaceen deegaanadii ay ku noolaayeen.
Waxaana uu intaa ku daray C/risaaq in dhabaatada ugu weyn ee hada taagan tahay xernaashaha Isbitaalkii Degmadda maadaama hey'adaha Samafalku ka gaabiyeen gargaarkii ay siin jireen Isbitaalka si markaas uu sii wado howlaha lagu caawinayo dadka u baahan in ay helaan daawada, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay hay'adda Bisha Cas oo markii hore gacanta ku heysay howlaha Isbitaalka Degmadda Jalalaqsi.
Marka laga soo tago Caruurta la sheegay in ay Nafaqa daradu dishay, sidoo kale waxaa jira Caruur kale oo aan tiro yareyn oo ay soo food saartay xaalad Caafimaad darro lagana yaabo haddii aysan helin gurmadka ay u baahan yihiin in ay geeriyoodaan.
Odayaasha iyo Waxgaradka Degmadda ayaa eedeyn kulul u soo jeediyay qaar ka mid ah hey'addaha Samafalka oo sida ay sheegeen deeqaha loo soo dhiibo dadka tabaaleysan ku keydiya Bakhaarada halkii loo baahnaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo dadka inta baahido taagan tahay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee ma'aha Degmada Jalalaqsi oo kaliya meelaha ay dhibaatadu ku heysato Qoysaska barakacayaasha, walow ay jirto kaalmo aan sidaas u badneyn oo dhowr jeer oo hore la gaarsiiyay Qoysaska barakacay kuwaas oo ay soo dhiibeen Jaaliyaddaha dibadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia