Talaado, January 21, 2025 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland, Ms Mari Rantanen, oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho waxaana ay diirada ku saareen wada hadaladoodi xiriirka labada Dowladood.
Sidoo kale labada mas'uul ayaa kawada hadlay Kulanka xiriirka iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga oo ay Dowladda Finland kamid tahay wadamada Soomaaliya dhinacaasi ka taageera.
Ra'iisul Wasaare Xamsa, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay horumar dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ay kula jirto kooxaha Al shabaab iyo Daacish.
Wasiirka Arrimaha gudaha Finland ayaa ku amaantay Dowladda Soomaaliya guullaha waa weyn ee ay ka sameeysay dhanka amaanka iyo la dagaalanka argagixisada, iyadoo dhinaca kalena ay dowladda Soomaaliya ay bishan billowday inay door muhiim ah ka cayaarto amniga dunida kadib markii ay xubin ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Finland waxa ay dalkeedi ku martigelisay kumanaan Soomaali ah kuwaasi oo siyaabo kala duwan ku galay wadankaasi waxaana qeyb ay katahay wadamada Yurub ee Soomaalida qaabilay.