Talaado, January 21, 2025 (HOL) - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa beenisay go’aan maanta kasoo baxay shirkadaha duulimaadyada, kuwaas oo ku dhawaaqay inay berito joojin doonaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda, kaddib markii ay cabasho ka muujiyeen wadashaqaynta wasaaradda gaadiidka Soomaaliya.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda Duulista rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in howlaha safarada gudaha iyo dibadda ay caadi u sii socon doonaan maalinta beri oo ay taariikhdu ku beegantahay 22/01/2025.
Hay’adda waxay u digtay shaqsiyaad ay sheegtay inay faafiyeen in safarada gudaha ay carqalad soo wajahayso maalinta berri, iyadoo sheegtay in aysan waxba ka jirin go’aanka shirkadaha duulimaadyada.
Hay’adda Duulista waxay sheegtay in iyada iyo Maamulka Garoonka Aadan Cadde in ay soo saareen amar saameynaya shirkadaha diyaaradaha, kuwaas oo aan u diyaarsaneyn shuruudaha sharciga.
Shirkadaha qaarkood ayay ku eedeeyeen in aysan si habboon u maareyn rakaabka, taasoo sababta tacaddiyo badan oo keenay cabashooyin badan.
“Hay'adda Duulistu waxay baaritaanno ku sameysay diyaaradaha gudaha oo ay ka heshay arrimo khatar gelin kara badqabka rakaabka. Sidaa darteed, hay’addu waxay amartay in diyaaradahaasi aysan samayn karin duulimaad ilaa dayactir rasmi ah oo waafaqsan sharciga lagu sameeyo,” ayaa lagu yiri qoraalka ka kasoo baxay hay’adda Duulista..
Dhinaca kale, maamulka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa ku amray shirkadda Favori ee gacanta ku haysa maamulka garoonka, in aysan Counter u furi karin Shirkad aan diyaaradi u joogin. Maamulku wuxuu sheegay in liiska shirkadaha diyaarahu u joogaan loo furi karo counter-ka.
Maamulka garoonka wuxuu sidoo kale amray dhammaan shirkadaha in aysan soo xarayn rakaab iyadoo aan haysan diyaaraddii ay raaci lahaayeen.