1/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2025
Cali Jeyte "Waxaa igu Walaahi ah in Shabaabka meelaha ay joogaan iyo dadka la nool inaan gantaalo ku dhufan doono"
 

Talaado, January 21, 2025 (HOL) - U qeybsanaha Xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta gaaray magaalada Baledweyne oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Cali Jeyte Cismaan oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa shir jaraa'id oo uu Baledweyne ku qabtay ku shaaciyay in ujeedka imaatinkiisa Baledweyne uu la xariiro dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

"Aniga waxaan cadeynaya inaan Baledweyne u imid la dagaalanka Al-shabaab, ma aqbali doono in meelahii ay horay dadka ugu qaleen iyo ceelashii ay gubeen dhulkii aan ka xureynay iney kusoo laabtaan oo dadkuna aysan iska dhicinen ama la dagaalameen" ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

U qeybsanaha Xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in gataalo lagu garaaci doono goobaha ay joogaan Al-shabaab iyo dadka la nool, isagoona ugu baaqay in haatan isaga sii fogaadaan.

"Waxa igu Walaahi in Shabaabka meelaha ay joogaan iyo dadka la noolba inaan gantaal ku dhufan doono, war ninkii hadhow qeylin doona oo xoolo leyga dhameeyay, waa nala duqeyay dhihi doonow hadaba isaga tag meelaha ay joogaan Khawaarijta" ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Hadalkaan kasoo yeeray Cali Jeyte ayaa imaanaya, iyadoo kooxda Al-shabaab ay dib ugu soo xoogeysanayaan qaar ka mid ah deegaanadii laga xureeyay 2 sano ka hor, kuwaas oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Buula burte iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.