Talaado, January 21, 2025 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa markale si adag u sheegay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.
Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay ineysan jirin wax caqabad ah oo keeni kara in laga baaqsado doorasho qof iyo cod ah oo dib loogu laabto doorashadii dad baneyd.
Raysal wasaare ku xigeenka koowaad ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in dadka ugu badan dalka ay yihiin dhalinyarada da’doodu u dhaxeyso 18 sano ilaa dhowr iyo soddon sano, kuwaas oo uu tilmaamay iney yihiin dad intooda badan wax bartay lana jaan qaadi kara dunida hormartay.
“Qaranka Soomaaliyeed waa dhawaad 16 Milyan oo muwaadin iyo dhowr Milyan oo Dibadda naga jirta, 75% waxay u badan yihiin dhalinyaro u dhaxeysa 18 sano ilaa dhowr iyo 30 sano, halkaas waxaa ka muuqda iney rajo fiican ka leeyihiin inay dalka la wareegaan, waa kuwa la jaanqaadaya oo xogta Adduunka gacanta ku heysa, Sidee ayay ku aqbali karaan in dalkan aysan doorasho dadweyne ka dhicin oo Suldaan iyo Oday dhaqameed soo xulaan hoggaanka dalka iyadoo mandiqada aan ku nool nahay laga gudbay doorasho dadban” ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka koowaad ee dalka Saalax Axmed Jaamac.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Raysal wasaare ku xigeenka dalka in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii dalkaan ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana awooda dib loogu celinayo Shacabka Soomaaliyeed si ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin.
Hadalkaan kasoo yeeray Saalax Axmed Jaamac ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dalka ay ku dhawaaqeen iney Bilaabatay diiwan gelinta ururrada dalka.