Talaado, January 21, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland uga qeyb galaya Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkaan ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya ee kobaca dhaqaalaha iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan horumarka waara, iyada oo sare loo qaadayo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka muhiimka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la guddoon siin doona abaalmarinta loo yaqaano Africa Presidential Leadership Award.
"Muddada Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku suganyahay magaalada Davos, waxa uu guddoomi doonaa abaalmarinta Hoggaaminta Madaxweynimo ee Afrika, (Africa Presidential Leadership Award) taasi oo ku mutay dadaalkiisa hoggaamineed ee u hiilinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale lagu wada in madaxweynaha mudada uu ku sugan yahay halkaas inuu shirar doceedyo la yeesho qaar ka mid ah madaxda Caalamka iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee ka qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, loona dhiirrigeliyo maalgashiga Soomaaliya.