7/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2024
Guddida Nabadgalyada gobolka Sanaag oo ka hadlay rabshado ka dhacay Ceerigaabo
 

Isniin,  May, 27, 2024 (HOL) - Guddida Nabadgalyada gobolka Sanaag, ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dhallinyaro ka badan 50 oo lagu eedayay in ay rabashado ka gaysteen magaalada Ceerigaabo 25 May.

Guddida Nabadgalyada, ayaa sheegay in dhallinayarada la xidhxidhay ay lasoo baxeen calan aan ka Somaliland ahayn, isla markaan ay gaysteen rabshado.

"Reer Ceerigaabo maaha dad aad ku kicin kartaan caadifad reernimo, halkani qaran weeyi, calan ayaa ka taagan, calanka ka taagani waa kaa jamhuuriyada barakaysan, kaas ayaynu ku wada dhimanaynaa" Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sida yidhi.

Guddidu waxay sheegtay in ay sharciga lala tiigsan doonaan cidkasta oo lagu eedeeyo xaalad abuur, iyaga oo waalidiinta ugu baaqay in ay qaadaan masuuliyada ubadkooda isla markaana anay calaacalin kadib marka la xidho.

"Yaan lagu kala caban, ninkii sharcigu qabto maxkamada ayaanu horgaynaynaa, hadaad caruurtiina ku filnaanwaydaan wax kale loo gaysan maayo ee sharciga la horgaynayaa, masaajidka ayuu kasoo baxay hadhaw laga aqbali maayo dad qaran dumis ah oo sita maro ranji la marmariyay" Taliyaha Qaynta Booliiska Gobolka Sanaag, ayaa sida yidhi.

Dhallinyarada xabsiga loo taxaabay ayaa habeen hore wadooyinka magaalada la maray iyaga oo sita calanka Maakhir, iyada oo uu halkaasi ka dhashay isku dhac dhexmaray ciidanka.