7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2024
Puntland: Ma jiraan ciidamo federaalka katirsan oo Puntland ka howgalla
 

Isniin, May, 27, 2024 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga horyimid war kasoo baxay dowladda fedderaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen degaanada Calmadow ee gobolka Sanaag.

War saxaafadeed goor dhowayd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee Puntland ayaa lagu sheegay, in warkaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah, iyadoo wasaaraddu tilmaamtay, in ay Puntland amnigeeda ku filan tahay.

Waxaa kaloo wasaaradda warfaafinta Puntland ay sheegtay inay Puntland u taagan tahay ciribtirka kooxaha argigixisada.

Warkan kasoo baxay Puntland, ayaa imaanaya, iyadoo wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Alcaddaala uu sheegay in Shabaabkii looga adkaaday dagaalladii ka dhacay degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, in ay isku arursadeen buuralada gobolka Bari ee Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay, in howlgalka ka dhacay Calmadow uu ku yimid iskaashi dhex maray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Puntland, uuna aha howlgal muddo la qorshaynayay fulintiisa.