7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shabaabkii lagu jebiyay Galmudug iyo Hirshabeelle ay isku urursadeen degaanada Puntland
 

Isniin, May, 27, 2024 (HOL) - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, Shabaabkii looga adkaaday dagaalladii ka dhacay degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, in ay isku arursadeen buuralada gobolka Bari ee Puntland.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo la hadlayay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay, in dowladda federaalka ay duullaan ku qaadday Shabaabkaas, kuwaas oo uu tilmaamay inay abaabulayeen weerarro ka dhan ah shacabka Puntland.

Wasiir Caddaala wuxuu sheegay, howlgalkaan inuu ku yimid iskaashi dhexmaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Puntland, isagoo intaas ku daray in howlgalkan uu ahaa mid muddo la qorshaynayay fulintiisa.

“Dhaqdhaaqyadooda iyo is-abaabulkooda aad ayaan ula soconay, gaar ahaan markii si weyn loogu jebiyay degaanadan Koofurta ee Hirshabeelle iyo Galmudug, ayay qaar kamid ah firxadkoodii meelahaas isku arursanayeen, waana la soconay xogtooda,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

Alcaddaala waxa uu sheegay, howlgalkaas in lagu qaarijiyay horjoogayaashii ugu sarreeyay xerooyinka ay ku arursanaayeen dagaalamayaasha Alshabaab, isagoo sheegay, dowladda federaalka in ay ka hortagtay dhagar ay Shabaabku maleegeeyeen.

Wasiirku kama hadlin in howlgalkan ay wax ka ogyihiin masuuliyiinta ugu sarreeya Puntland, maaddaama uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka.