7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2024
Madaxweyne Biixi oo sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu muhiim u yahay amaanka Badda Cas
 

Isniin,  May, 27, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in heshiiska ay xukuumadiisu saldhiga badda kaga kiraynayso Itoobiya uu horseedi doono in xal loo helo xaalada amaan daro ee kasoo cusboonaatay Badda Cas.

Biixi oo waraysi siiyay wargayska Financial Times ayaa sheegay in heshiisku uu Somaliland u ogolaanayo in ay gacan ka gaysato ilaalinta amaanka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, oo ay dhawaan khalkhalgaliyeen kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen oo gacan ka helaya waddanka Iraan.

Madaxwynuhu waxa kale oo uu sheegay in asaaska heshiisku uu yahay in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland "Itoobiya waxay helaysa saldhig millateri, waxayna keensandoontaa maraakiib ganacsi, taabadalkeedana waxay na siin doonta aqoonsi, taasi waa aasaaska heshiiska" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa bilowgii sannadkan qalinka ku duugay isfahan, Itoobiya u ogolaanaya in ay saldhig millateri ka samaysato biyaha Somaliland, isla markaana ay aqoonsi siiso Somaliland sida uu Madaxweyne Biixi sheegay.

Inkasta oo Somaliland iyo Itoobiya ay dhawrjeer sheegeen in heshiisku uu gobolka u horseedi doono is dhexgal dhaqaale iyo amaan dowlada Soomaaliya ayaa si wayn uga soo horjeedsatay, sidookale badibada urur dowladeedyada kulaalaya Badda Cas ayaa walaac ka muujiyay isfahamka.

Diidmada Soomaaliya iyo cadaadiska caalamiga ah ka sakaw labada dhinac ayaa sheegay in isfahanku uu dhawaan fuli doono, oo loo badali doono heshiis rasmi ah, iyada oo Itoobiya ay wakiilkeedii Hargaysa ka dhigtay safiir buuxa.