7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2024
Amaanka goobaha laga soo galo Magaalada Muqdisho oo Maanta si weyn loo adkeeyay

Isniin, May, 27, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay amaanka baraha koontaroolada ee laga soo galo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Baraha koontaroolada ayaa lagu arkaayay maanta baaritaano ka duwan baaritaanadii hore, waxaana baarista qeyb ka ahaa ciidanka miino baarista iyo eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa.

"Ciidanka Howl-galada iyo Baraha Kontorolada Magaalada Muqdisho iyo Ciidanka Miina Baarista  Gaar ahaan  Xaywaanada uriya Walxaha Qarxa ayaa Shaqa Wanaagsan Ka wada Kontoroolada laga soogalo Magaalada Muqdisho iyo Hareeraha Magaalada" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Talaabadaan ciidamada ay ku adkeynayaan amnga magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Shalay Safaraada dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada Muqdisho ay soo saartay digniino ay ku sheegeyso in meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka dhici karaan todobaadkan gudahiisa weeraro argagixo.

Ugu dambeyntii amniga magaalada Muqdisho ayaa ahaa mudooyinkii dambe mid aad uga wanaagsana dhanka weerarada iyo qaraxyada ay kooxda Al-shabaab ka geysan jirtay gudaha Muqdisho.