6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2024
Madaxweyne Deni: Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi, laakiin la isma maquunin karo
 

Arbaco, May, 22, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay, in Puntland ay diyaar u tahay wada hadal iyo garnaqsi ku aaddan halka ay dowladnimada Soomaaliya u socoto, hase ahaatee waxaa uu sheegay in aan xoog la isku maquunin karin.

Madaxweyne Deni waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay weli Puntland ku hayso fara galin siyaasadeed, si ay saamayn ugu yeelato arrimaha gudaha Puntland. Wuxuu kaloo sheegay dowladda federaalka inay legdan kula jirto Puntland.

"La isma muquunin karo, la' ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo halaga wada hadlo. Puntland waxay diyaar u tahay garnqqsi, waxay diyaar u tahay inay garbaxdo,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Deni wuxuu sheegay haddii laga garyeesho inuu qaadanayo gartiisa, waxaase uu sheegay in ay doonayaan in garnaqsiga ay saldhig u noqdaan sharuucda iyo xeerarka dowadnimo ee heshiiska lagu yahay.

Khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa taagan muddo ku dhow labo sano. Sidaas oo kale, Puntland waxay sanadihii kasii horraysay uu khilaaf kala dhaxeeyay dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Arrimaha ugu badan ee la isku hayo ayaa ah hannaanka doorashooyinka heer federaalka. Dad siyaasada u dhuun daloola ayaa aaminsan in madaxweyne Deni oo uu damac weyn kaga jiro doorashada 2026, ay adag tahay in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheikh uu heshiis dhex maro.