6/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2024
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Qaahira uga qeybgalay shirka Hay'adaha maaliyadda dalalka Carabta
 

Arbaco, May, 22, 2024 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada New Qaahira ee dalka Masar, ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hay’adaha Maaliyadda dalalka Carabta oo sanadkan lagu qabanayo magaalada New Qaahira ee dalka Masar.

Shirkaan oo labo maalin ah ayaa diiradda lagu saari donaa arrimaha horumarinta Maaliyadda dalalka Carabta, iskaashiga dhaqaalaha iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Waxa sidoo kale lagu gorfeyn doono samaynta dhaqaale ee xiisadaha Bariga Dhexe ay ku yeelan karaan dhaqaalaha iyo maalgelinta caalamiga ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan ayaa shirkaan warbixin uga siin doono ka qeybgalayasha iyo Hey'addaha Maaliyadda Carabta heerka daadalada Deyn Cafinta,  horumarinta dhaqaalaha iyo deyn cafinta kaddib qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka leedahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadli doono sidii ay Hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa Carabta ay taageri u siin lahaayeen Soomaaliya dhanka horumarinta dhaqaalaha ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa inta uu ka qeyb galayo shirkaan waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madaxda dalalka iyo kuwa Hey’adaha Maaliyadda Carabta ee wadashaqeynta ay kala dhaxayso Dowladda Soomaaliya.