6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2024
Ciidanka Booliiska oo gacanta kusoo dhigay dad ku eedeysan rabashado ka dhacay degmada Daarusalaam

Arbaco, May, 22, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ee ka howlgala degmada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa howlgalo ay ka saneeyeen gudaha degmadaas kusoo qabqabtay dad ku eedeysan iney rabshado ka geysteen degmada Daarusalaam.

Ciidamada Booliiska ayaa gacanta kusoo dhigay Ilaa 15 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ku eedeysan iney soo abaabuleen banaanbaxyo rabshado watay oo khasaare sababay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dadka lasoo qabtay ay ku socdaan baaris, islamarkaana la horkeeni doono Cadaaladda.

Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa sidoo kale digniin adag loogu diray shacabka ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iney isaga fogaadaan wax kasta oo lidi ku ah amniga.

"Waxaa lagu wargalinayaa shacabka kunool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan ka qeyb noqoshada isku soo baxyada sababikara fal  Amaanka liddi ku ahaayaa lagu yiri qoraalka ka soobaxay Taliska qaybta Guud ee Boolisla Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Banaanbaxyada rabashadaha watay ee ka dhacay Daarusalaam ayaa ahaa mid dadka banaanbaxa dhigaayay ay ku dalbanayeen in guddoomiyaha degmadaas laga dhigo beesha ay kasoo jeedaan, maadama 2 maalin ka hor madaxweyne Xasan Sheekh uu degmo rasmi ah u aqoonsaday Daarusalaam.