6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2024
Arday Baratay Cilmiga IT oo Minnesota Qalinjabin loogu Sameeyey, Sawiro iyo Video


Arbaco, May, 22, 2024 (HOL) -Sadax iyo Labaatan Arday oo u badan Soomaalida Minnesota ayaa shalay loo qabtay kulan Qalinjabin ah ardaydaan oo baratay fasalada hordhaca ee Cilimiga IT-ga ee macluumaadka Tiknoolijiyada, waxuuna tababarkoodu socday mudo labo bilood ah.

Maxamed Amin Kaahin Madaxa iyo aasaasaha Milestone Community Development oo ah hay'adii ka soo shaqaysay isku keenida iyo u diyaarinta barnaamijkan dhalinyarada ayaa HOL u sheegay in qaybta shalay qalinjabisay ay yahiiin kooxdii 4aad ee dhamaysay tababarkaan, waxuuna Maxamed Amiin ii sheegay in kuwan qaar ka mida ay hada heleen shaqooyin cilmigaas ah tababar waxbarashana laga sii baxin doono.

Barnaamijka Waxbarashada ee ardaydaan waxaa iska kaashday Milestone Community Development, North Central University, iyo Ramsey County. 

Waalidiinta iyo Ardaydii kulanka soo Qalinjabinta ka soo qaybgalay ayaa aad ugu riyaaqay fursadaha la siiyey iyo dadaalkii dheer ee ay galiyeen tababarkaan.

HALKAN KA DAAWO XAFLADDA QALINJABINTA


Siyad Salah
Hiiraan Online