6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2024
La taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh: Deni, waa ninkii 60 xildhibaan soo qortay haddana aan ku kalsoonayn

Arbaco, May, 22, 2024 (HOL) - La taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu miiska wada xaajoodka uga maqan yahay arrimo siyaasadeed oo isaga u gaar ah.

La taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh, waxa uu sheegay in xildhibaanadii uu soo qortay madaxweyne Deni ay iyagu gacmaha u taageen wax ka baddalka dastuurka dalka, isagoo sheegay in madaxweyne Deni uu yahay, nin u muuqda inuu isagu kaligiis isla saxan yahay.

“Ninkii 60 xildhibaan gacantiisa kusoo qortay, ma dhihi karo, “anigaa dowladnimada idinka aqoon badan”. Miyaad maqashay cid katirsan baarlamaanka oo Puntland kasoo jeedda oo wax diiddan,” ayuu yiri Xuseen Sheikh Maxamuud.

Xuseen wuxuu sheegay arrimaha dastuurka marka la joogo in labada aqal ee baarlamaanka ay yihiin cidda iska leh awoodda arrimaha dastuurka. Wuxuu u sheegay dowlad goboleedyada in ay ku kalsoonaadaan xildhibaanada labada aqal ay soo dirsadeen.