6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2024
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw War murtiyeed laga soo saaray

Jimco, May, 17, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa mudo afar maalmood ah uga socday madaxada Golaha Wadashiga Qaranka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo madaxda ay uga hadleen qodobo aad xasaasi u ahaa.

War murtiyeedka laga soo saaray Shirka oo ka kooban afar qodob ayaa lagu sheegay in Golaha ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin sugidda amniga, la dagaalanka Shabaab, Dhameystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dimuqraadiyeynta iyo arrimaha bani’aadanimada.

Goloha ayaa sidoo kale taageeray dadaalada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka-sida iyo talaabooyinka ay kula wareegayaan masuuliyadda amniga dalka kadib bixitaanka ciidanka ATMIS oo la filayo in dalka isaga baxaan dhamaadka sanadkaan.

Waxaa xusid mudan in Shirkaan Golaha Wadatashiga Qaranka ee War murtiyeedka laga soo saaray goordhaw ineysan qeyb ka aheyn Puntland, kadib markii ay horay u sheegtay iney xiriirkii u jartay hay'addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka Golaha oo dhameystiran:-