6/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2024
Wiil 12 jir ah oo aargoosi aano qabiil loogu dilay gobolka Galgaduud
 

Jimco, May, 17, 2024 (HOL) - Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa wiil yar oo 12 sano jir ahaa ku dilay deegaan hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kasoo jeeday deegaan ahaan magaalada Galdodob ee gobolka Mudug.

Wiilka yar ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ayaanle Cabdisalaan Jaamac, waxaana la tilmaamay in dilkiisa ay geysteen maleeshiyo beeleed kasoo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dilka wiilka yar ee 12 jirka ahaa ayaa maanta si weyn looga hadal haya deegaanada gobolada Mudug iyo Galgaduud, kaasoo la xariira aargoosi aano qabiil ah.

Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maalmahii ugu dambeeyay waxaa ka dhacaayay dilalka salka ku haaya aanoyinka qabiil.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii nin dhimirka ka xanuunsanaayay oo jihadu ka qaldantay lagu dilay agagaarka degmada Galdogob, iyadoo dilkiisa ka hor laga duubay muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada kaasoo dhaliyey caro iyo fal celin xooggan oo laga muujiyay falkaas.

Ugu dambeyntii maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid ku fashilmay wax ka qabashada dilalka la xariira aanooyinka qabiil ee marba marka ka dambeysa kusii kordhaya deegaanada maamulkaas ee Mudug iyo Galgaduud.