6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2024
Lataliyaha Amniga Qaranka oo faahfaahiyay waxyaabaha dowladda uga qabsoomay Amniga


Jimco, May, 17, 2024 (HOL) -Lataliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha dhanka amniga uga qabsoomay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan laba sano u buuxsantay iney wax badan oo muuqda ay ka qabatay dhanka amniga guud ee dalka.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh dhanka amniga dalka wax weyn ayuu ka qabtay tan iyo markii uu yimid, waxaana cadeyn noogu filan in Khawaarijtii daafaha Muqdisho weerarada ka soo qaadi jiray oo gudaha Muqdisho ka fulin jiray howlgalada ay dadka ku dhibaateyn jireen in haatan mar hore meesha laga saaray oo hadda dowladdu gacanta ku hayso dhul baaxad leh oo Khawaariijtu ka talin jirtay, laga bilaabo Balcad ilaa gobolada dhexe dhanla Waqooyi waa xur oo cabsi ah maleh qof walba ayaa baabuurkiisa safar dhulka ah ku tagi kara" ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Xuseen Macalin.

Wuxuu sidoo kale sheegay Lataliyaha Amniga Qaranka in madaxweynaha dowladda Fedaraalka markii uu la wareegayay talada dalka in awood Al-shabaab ay aheyd mid la dhayalsan karin hadana ay marayaan heer quus.

"Madaxda Alshabaab hada waxay marayaan heer ay ku fakarayaan in dalka isaga cararan ama is dhiibaan, taasi waana waa wax ay horseed u noqotay dowladda, iyadoo kaashaneysa shacabkeeda" ayuu yiri Lataliye Xuseen Macalin.

Dhanka khasaaraha rasmiga ah ee loo geystay kooxda Al-shabaab ayuu sheegay Xuseen Macalin in kumanaan looga dilay kooxda dagaalka dowladda la gashay, hayeshee ay adag tahay tiro sax ah oo laga diiwaan galin karay khasaaraha kooxda.

Xuseen Macalin ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay ku guuleystay iney kordhiso ciidanka xoogga dalka tiro iyo tayo ahaan, islamarkaana ay sidoo kale ay ku guuleysatay mudo ka badan 30 sano in dalka laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saarneyd.