6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2024
Dowladda Fedaraalka oo ciidamo aad u hubeysan u dirtay gobolka Shabeellaha dhexe

Jimco, May, 17, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ciidamo farabadan oo aad u hubeysan u diray gobolka Shabeellaha dhexe oo maalmahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan ay kula dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Ciidamadaan ayaa Taliska Booliiska ugu talo galay iney kala dhex galaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya mudooyinkii dambe tuulooyiin hoostaga deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa kula dardaarmay ciidankaan in si adag u sugaan nabadgelyada deegaanada colaada ka jirto, isagoona amray ciidanka in cid walba oo u hoggaansami weyda amaradooda ee qeyb ka ah hurinta colaada iney ka qaadaan talaabo cad oo sharci ah.

Talaabada ciidamadaan Booliiska ah loogu diray deegaanada ay ka dhaceen dagaal beeleedyada ayaa kusoo aadeysa, iyadoo laba maleeshiyo beeleed dagaalo culus oo dhexmaray ay isaga dileen in ka badan 20 ruux.

Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa marar badan kusoo laablaabtay colaad beeleedyada dhexmara beelaha walaalahaah ee wada deegaanada gobolka Shabeellaha dhexe.