6/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun adag ku riday 70 jir lagu helay maalgelinta Al-shabaab

Jimco, May, 17, 2024 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku riday nin oday ah oo 70 sano jir ah, kaasoo lagu helay dambiyo la xariira lacag dhaqis iyo maalgalinta kooxda Al-shabaab.

70 jirkaan oo lagu magacaabo Cali Xuseen Isxaaq ayey maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay 7 sano xarig ah iyo ganaaxa lacag dhan $3,000 oo dollar.

Ninkaan la xukumay ayaa Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ku soo eedeeyey in akoonkiisa gaarka ah kooxda Al-shabaab loo marsiiyey lacag dhan nus milyan dollar.

Dambiyada 70 jirkaan oo ay Maxkamadda laba u kala qaaday ayaa kala noqday, midka lacagta maalgalinta kooxda 4 sano oo xabsi ah, halka midka lacag dhaqistana uu noqday 3 sano oo xabsi ah, taaso isku noqotay 7 sano oo xabsi ah, hayeshee waxaa intaas u sii dheer odayga in laga rabo ganaax lacageed oo gaaraya $3,000 oo dollar.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamada, wuxuuna sheegay in ninka odayga ah ay ku cadaaday dambiga loo heysto ee lacag dhaqidda iyo maalgalinta Al-shabaab.