7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2024
Bosaso: Ciidanka amniga Puntland oo gacanta ku dhigay qaraxyo iyo qofkii watay

Isniin, May, 13, 2024 (HOL) - Ciidamada badda ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaraxyo iyo qofkii watay, ka dib howlgallo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka badda ee Puntland, ayaa lagu sheegay, in ay ciidanku xalay qabteen bambooyinka gacanta ee sababa Qaraxyada xooggan, gaadiidkii lagu wadey iyo eedaysanihii watay qaraxyadaas.

Ciidanku waxay sheegeen in qaraxyadan la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Boosaaso.

Lama sheegin eedeysanaha la qabtay kooxda uu katirsanaa, hase ahaatee, waxay sheegeen ciidanku in qaraxydaas ay lahaayeen kooxaha argigixisada oo ay ula jeedaan Shabaab iyo Daacish, oo xarumo qarsoodi ah ku leh buuralayda gobolka Bari.

Amniga magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid wanaagsan, marka laga reebo xiisado ka dhextaagan ciidanka PMPF iyo ciidanka PSF, kuwaas oo ku dhex milmay khilaafkii siyaasadeed ee horey uga dhex taagnaa madaxweyne Deni iyo Asad Cismaan Diyaano.