7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2024
Madaxda dowladda iyo madaxdii hore ee dalka oo Hambalyo u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan
 

Isniin, May, 13, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si isku mid ah hambalyo ugu diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta lagu caano shubay deegaanka Daara Ugaas oo hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu kula dardaarmayo Ugaaska 21-aad ee Beesha  Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan inuu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Maanta.

"Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska inuu u fududeeyo masuuliyadda dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada dalka.

Waxaa sidoo kale hambalyo u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaarahii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, masuuliyiin kale iyo siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta hambalyada u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa si isku mid ah ugu duceeyay Ugaaska inuu eebe ka dhigo kii isku keeni lahaa Soomaaliweyn.

Ugu dambeyntii Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo wafdi balaaran oo qeyb ka ahaa Caana shubkiisa ayaa gabal dhacii maanta soo gaaray gudaha magaalada Baledweyne oo si weyn loogu soo dhaweeyay.