7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo
 

Isniin, May, 13, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Bambaanooyin ah oo Xalay lagu weeraray guryo ku yaala xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxyada oo ahaa laba bambo oo nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray midka koowaad guri uu ka degan yahay magaalada Baydhabo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Kuuroow Amxaar oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Qaraxaas bambo kadib ayaa ilaalada guriga waxay fureen rasaas xoogan oo argagax kusii beertay dadka deganaa xaafadaas, hayeeshee lama soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa bambo iyo rasaastaba.

Qaraxa labaad ayaa sidoo kale Xalay lagu weeraray guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay wasiirkii hore ee Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo ah hadda agaasimaha hay’adda Tubsan ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyada Xalay lagu weeraray guryaha labadaan masuul ee ka tirsan Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ee xarunta ee gobolka Baay ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aheyd amaankeeda mid si weyn u soo hagaagayay, kadib markii ay ka yaraadeen magaaladaas iney ka dhacaan weeraradii iyo qaraxyadii ay ka geysan jireen kooxda Al-shabaab.