7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2024
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirrada

Isniin, May, 13, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye, ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiiradda, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Taliyihii hore  ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Xajaar ayaa kamid noqday liiska cusub ee golaha wasiirrada ee maamulka SSC- Khaatumo.

Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmay, xilli qaar kamid ah wasiirradii maamulkaasi ay iska casileen xilalkooda, iyagoo qaarkood sheegay in fara galin lagu hayay shaqooyinka xafiiskooda.

Madaxweyne Firdhiye oo muddo xileedkiisu yahay labo sano, ayaa hadda xafiiska jooga ku dhawaad sanad, welina maamulkiisu wuxuu ku jiraa dib udhis.

Halkaan ka aqriso liiska wasiirrada.

1. Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad. Wasiirka  Maaliyadda

2. Dr. Xil Yuusuf Sulaymaan Sancad. Wasiirka  Caafimaadka

3.Najiib Barkhadle Warsame. Wasiirka  Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

4. Ibraahim Jaamac Reygal. Wasiirka  Amniga

5. Dr Axmed Xaashi Maxamed. Wasiirka  Deegaanka iyo Isbedelka Cilmilada

6. Dr. Jaamac Maxamed Mursal. Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha

7.Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar). Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta yo Dastuurka

8. Xil Cali Warsame Cismaan. Wasiirka Biyaha iyo Tamarta

9. Axmed Cabdirisaaq Diiriye. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

10. Daahir Cabdirisaaq Axmed. Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga

11. Xil. Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed Hindi. Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka

12. Suhuur Faysal Barre. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka

13. Dr. Aadan Cabdillaahi Aw-xasan. Wasiirka  Xannaanada Xoolaha