7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2024
Ugaaska Beelaha Xawaadle oo Maanta lagu Caano shubay deegaanka Daaro Ugaas

Isniin, May, 13, 2024 (HOL) - Waxaa Maanta deegaanka Daara Ugaas ee ku yaala duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan lagu Caana shubay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska 21-aad ee beelaha Xawaadle.

Munaaaabadda Caana shubka Ugaas Yuusuf ayaa waxaa ka qeybgalay madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, maamulada Hirshabeelle, Hiiraan State iyo boqolaal kale oo dadweyne ah oo isaga kala yimid dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa.

Waxaa sidoo kale munaasabada Caano shubka Ugaaska Xawaadle ka qeyb galay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka kala yimid guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya.

Deegaanka Daara Ugaas ee maanta lagu Caano shubay Ugaaska Xawaadle ayaa ka mid ah dhulkii baaxada lahaa ee sanadkii lasoo dhaafay ciidamada Macwiisleeyda Xawaadle ay ka xureeyeen kooxda Al-shabaab.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa noqonaya Ugaaska 21-aad ee Saldanadda Ugaaasyada beelaha Xawaadle oo ah Saldanada ugu faca weyn dhulka Soomaalida, waxana xusid mudan si weyn reerka dhexdiisa looga ixtiraamo Ugaaska markaas haya xukunka Ugaasnimo ee beelaha Xawaadle.