7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2024
Ciidanka dowladda oo goordhaw wareegay deegaanka Ruunirgood

Axad, Juun, 9, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ruunirgood oo ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Ciidamada ayaa kulaalayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanka Ruunirgood oo ah deegaan istaraatiiji ah oo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.

Ciidamada ayaa lasoo warinaya in haatan gudaha deegaankaas ay ka wadaan howlgalo miino baaris ah, maadama Al-shabaab goobaha laga saaro uga tagaan miinooyin.

"Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jiho goordhaw  ka weeraray Degamada Ruun-nirgod, Waxa ayna ciidanku la wareegeen gacan ku geynta degmadan oo dhacda Xadka goballada Galgaduud iyo  Shabelaha dhexe. Ciidanka oo leh cudud xogan ayaa isku fidiyay dhulka howdka ah ee u dhaw degmada, Sidoo kale waxaa jira baaritaano gudaha magalada ay ka Wadaan ciidanku" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka laguma sheegin iney jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay la wareegista deegaanka Ruunirgood iyo waliba halka ay qabteen xubnahii Al-shabaab ee ku sugna deegaankaas.

La wareegista deegaankaan ayaa muhiim u ah ciidanka dowladda, maadaama kooxda Al-sbabaab ay u aheyd Saldhig muhiim ah oo ay isaga kala gooshi jireen gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, islamarkaana sidoo kale ay ka abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha dhexe.