7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2024
Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud oo sababay dhimashada in ka badan 50 ruux

Axad, Juun, 9, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaal beeleed saacado badan qaatay oo Shalay ka dhacay deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xareele ee gobolka Galgaduud.

Khasaaraha la xaqiijiyay ee dagaal beeleedkaas uu geystay ayaa ah dhimashada in ka badan 50 ruux iyo dhaawac kor u dhaafaya 60 ruux, kuwaas oo isugu jira maleeshiyo beeleedka dirirtu u dhexmartay iyo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Galmudug oo ku howlana joojinta dagaalka.

Dad qaba dhaawacyo kala duwan ayaa buux dhaafiyay Isbitaalo ku kala yaala magaaloyinka Caabudwaaq, Xeraale iyo Cadaado oo ka wada tirsan Galgaduud, waxaana dagaalkaan uu noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee mudooyinkaan dambe ka dhaca gobolada dhexe.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay maleeshiyooyin ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Dir ayaa ah mid salka ku haya dilal aano qabiil oo horay u dhexmaray labada dhinac, waxaana wali laga cabsi qaba in maanta uu markale dib u qarxo.

Maamulka Galmudug iyo dowlada Fedaraalka ayaa ugu baaqay beelaha Dir iyo Mareexaan ee dagaalamaya in deg deg u joojiyaan dagaalka, islamarkaana wixii tabasho ah ku dhameeyaan miiska wadahadalka.