7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2024
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Jabhadii Buurta Gacanlibaax la maxkamadayn doono
 

Axad, Juun, 9, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maxkamad la horkeeni doono xubnihii Jabhadii Buurta Gacanlibaax ee weerarka ku dilay in ka nadan 10 booliis ah 11, August, 2023.

Madaxweynaha oo qudbad sannadeedii dastuuriga ahayd ka horjeediyay baarlamaanka, ayaa sheegay in jabkii ciidamada Somaliland ay sabab u ahayd Jabhadii Buurta Gacanlibaax.

"Iyada oo lagu jiro dufaacii qaranka ee guud ayaa waxa dhacay shirqoolkii qaranka loo galay 11 August buurta Gacanlibaax ee lagu laayay ciidamadii qaranka ee hadh iyo habeenba dalka usoo jeeday" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Biixi waxa uu sheegay in loo bahanyahay in maxkamad la horkeeno xubnihii ka qaybqaatay shiqoolkii lagu laayahay askarta booliiska ah, si looga fogaado in dhacdo lamid ahi markale dhacdo.

"Shil wuu dhacaa, qolo danbiilayaal ahi shirqool way samayn karaan, waxaynu ku dadaalaynaa oo qaran ahaan inaga go'an in gacan ku dhiiglayaashii la horkeeno cadaalada, cid ayaa danbiile ah; cidbaa qaranka danbi ka gashay waa in maxkamad la horkeenaa" ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu intaa ku daray in xisbiga Waddani aanu aqbalin doorashadii 2017, taasina ay sababtay in cadawga Somaliland uu ka faa'iidaysto cabashadiisa.

Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa hore cafis ugu fidisay xubnihii ka tirsana Jabhada Buurta Gacanlibaax ee uu madaxweynuhu maanta sheegay in la maxkamadayn doono.