7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2024
Madaxweyne Biixi oo sheegay in dhawaan la as-aasi doono Somaliland Airlines
 

Axad, Juun, 9, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay hirgalinayso shirkada diyaaradaha ee Somaliland Airlines.

Madaxweynaha oo qudbad sannadeedii dastuuriga ahayd ka horjeediyay baarlamaanka, ayaa sheegay ay diyaariyeen qalabkii iyo macalimiintii tababari lahayd shaqaalaha ka shaqayn doona shirkada diyaaradaha ee ay Somaliland yeelan doonto.

"Somaliland markii ugu horaysay waxay bilowday aasaaska Somaliland Airlines, si loo bilaabo in shaqaalihii la tababara oo ay jiraan dad diyaarsan oo hawsha kuu qaban kara weeyi, 4 diyaaradood oo kuwa tababarka ah oo ay Somaliland leedahay ayaa maanta Hargaysa yaala, waxa jooga macalimiintii ardayda ku tababari lahaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shaqaalaha la tababarayaa ay baran doo aan in ka badan 10 takhasus, isla markaana ay tababari doonto shirkad caalami ah, isaga oo sheegay in shahaadooyin caalami ah oo Yurub ah ay heli doonaan kadib marka la tababaro.

Waxa uu intaa ku daray in diyaaradaha tababarka oo ah qaar  cusub muddo 3 ilaa 4 todobaad ah lagu xidh xidhi doono, kadibna la qaadan doono ardayda la tababari doono.

Madaxweynaha iyo taliyaha millateriga ayaa shalay soo kormeeray diyaaradaha lagu tababari doono duuliyayaasha iyo farsamoyaqaanada ay yeelan doonto Somaliland Airlines oo la keenay madaarka Cigaal.