7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2024
Galmudug oo sheegtay in lala xisaabtami doono shakhsiyaadka colaadda ka hurinaya gobolka Galgaduud
 

Axad, Juun, 9, 2024 (HOL) - Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan shakhsiyaadka colaadda ka hurinaya gobolka Galgaduud, isagoo maamulku uu sheegay inay heli doonaan magacyada shakhsiyaadkaas.

Wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin colaadda dhexmaraysa beelaha ku dagaalamaya gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay inay jiraan dad hoggaaminaya colaaddaas.

Wasiir Gaboobe waxa uu sheegay in lalaayay qaar kamid ah ciidamadii loo diray inay kala dhex galaan labada maleyshiyaad beeleed ee dagaalamaya. Wuxuu sheegay, cid kaste oo ku lug leh colaaddan in laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Hadalka wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya, iyadoo in ka badan 50 qof ay ku dhinteen, kuwa kaloo ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaaladii shalay iyo doraad ka dhacayay aagga degaanka Laandheer ee gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed kasoo saartay colaaddan ayaa waxay fartay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug inay si degdeg u kala dhex galaan dhinacyada dagaalamaya.

Colaadda labada beelood oo ah mid soo laalaabatay ayaa salka ku haysa muran dhinaca degaanka ah. Waxaana la isku haystaa dhul bannaan oo aan cidina degnayn.

Labada dhinaca ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda magaalooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale.