7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Axad, Juun, 30, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xoogan oo jugtiisa si weyn looga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne oo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Baledweyne.

Qaraxaan oo dhacay gabal dhacii maanta ayaa lasoo warinaya inuu ka dhacay meel u dhaw Xero ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku lahayeen Xaafada Howlwadaag.

Inta la xaqiijiyay ilaa laba ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ayaa ku geeriyooday qaraxaan oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin nooca uu yahay, kaasoo ka dhacay bar koontarool oo ay ku sugnayeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka Baledweyne oo ku aadan qaraxaan khasaaraha geystay nooca uu yahay iyo tirada rasmiga ah ee waxyeelada kasoo gaartay.

Ugu dambeyntii qaraxaan galabta ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidamada Jabuuti ku lahayeen Xaafadaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta askartii ugu dambeysay ee ciidanka Jabuuti isaga guureen xeradaas, islamarkaana ay la wareegeen xerada ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka.