7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2024
Somaliland oo beenisay wararka sheegaya in la xidhay xafiis wakiileed keeda Jabuuti
 

Axad,  Juun, 30, 2024 (HOL) - Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Cabdiftaax Siciid Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay jabhada ay Somliland sheegtay in Jabuuti kusoo dhawaysay waddankeeda.

Wakiilka oo ku sugan dalka Ingiriiska oo waraysi gaar ah siiyay Horn Cable TV, ayaa sheegay in uu berri imanayo magaalada Hargaysa, isla markaana ay xukuumada Somaliland ugu yeedhay wadatashi.

"Runtii waa arrin laga xumaado sida uu madaxweynuhuba shalay sheegay intaa waanu la soconay, arrinkaana runtii lagama filanayn waddanka aan walaalaha nahay ee jaarka ah" ayuu yidhi Amb. Axmed.

Wakiilka ayaa dhanka kale beeniyay jiritaanka war lagu daabacay jariirada Somaliland Chronicle oo sheegayay in Xafiiska Wakiileedka Somaliland ee Jabuuti laga jaray korontadii iyo biyihii isla markaana la xidhay.

Wakiilku waxa uu sheegay in xafiisku uu shaqaynayo oo maanta oo ugu danbaysay ay fiisayaal usoo saareen xildhibaano iyo madax kale oo reer Jabuuti ah oo xagaabax u yimid Somaliland.

Hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqa Awdal State ayaa shalay guddaha Jabuuti uga soo hanjabay Somaliland, taasi oo ka cadhaysiisay xukuumada Somaliland, madaama oo Somaliland ay hore u diiday in ay martigaliso jabhado kasoo horjeeda Jabuuti.

Dowlada Jabuuti ayaa aad uga cadhootay isfahanka Somaliland iyo Itoobiya, oo ay u aragto khatar dhaqaale iyo istiraatajiyadeed, iyadoo Madaxweyne Geelle uu isfahanka ku tilmaamay midi dhabarka kaga dhacday waddankiis.