7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2024
Qaramada Midoobay oo ka digtay halista amni ee kooxda Alshabaab
 

Axad, Juun, 30, 2024 (HOL) - Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa ka digay kooxda Alshabaab in ay weli tahay khatar xooggan.

James Swan, ayaa xusay in dowladda Soomaaliya looga baahan ahay in ay muhiimad gaar ah siiso amniga xilliga kala guurka ah.

“Al-Shabaab waxaa weli ka go'an in ay sii waddo weerarrada argagixisanimada iyada oo aan tixgalinayn khasaaraha nolosha rayidka," ayuu yidhi ku simaha ergayga Qaramada Midoobay.

Ergayga UN-ka ayaa sheegay in Kooxda Alshabaab ay wali leedahay awoodda ay ku fulinayso weerarrada xunxun.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in hoos loo dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS, iyadoo tilmaamtay in 4,000 askari oo bixi lahaa dhammaadka bishaan June, loo kala qeybiyo qaybood.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa taageeray oo ansixiyay codsiga Soomaaliya, balse Golaha Ammaanka weli kama uusan hadlin codsiga Soomaaliya.

Qaraarka Golaha Ammaanka ayaa dhigaya in ciidamada ATMIS ay guud ahaan ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan.