7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2024
ATMIS oo Ciidanka Xoogga dalka ku wareejisay Saldhigoodii deegaanka Cabdalle Biroole
 

Axad, Juun, 30, 2024 (HOL) - Ciidanka ATMIS ayaa Saldhigii ay ku lahayeen deegaanka Cabdalle Biroole ee gobolka Jubbada Hoose ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Xaflad kooban oo lagu qabtay gudaha xeradaas ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay dowladda Fedaraalka, maamulka Jubbaland iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan xubnaha qaabilsan wareejinta Xeryaha.

Masuul ka tirsan Xafiiska qorsheynta kala guurka ee UNSOS ayaa madashada ka sheegay in wareejinta Xeradaan ay qeyb ka tahay masuuliyada ciidanka xoogga dalka kula wareegayaan sugida amniga dalka.

Masuulka u hadlay UNSOS ayaa sidoo kale goobta ka sheegay in Xafiiskooda uu sii wadi doono bixinta taageerada, si la mid ah taageerada ay horay u siin jireen ciidanka ATMIS ee wareejiyay Saldhiga deegaanka Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba ha ahaate howlgalka kumeel gaarka ah Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si tartiib tartiib ah u wareejinaya Saldhigyadooda, waxaana sida uu qorshuhu yahay lagu wadaa in dhamaadka sanadkaan la dhimo ciidamada islamarkaana wax laga badelo wajiga ay ku howlgayaan ciidamadaan.