7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xeer Madaxweyne ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada
 

Axad, Juun, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xeer madaxweyne ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Cimilada u magacaabay Liibaan Daahir Obsiiye, kaasoo la tilmaamay inuu khibrad durugsan u leeyahay siyaasadda Maaliyadda.

"Madaxweynaha oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235 ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada" ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbadelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah, heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah furnaanta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ayaa sido kale lagu sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay dadaal weyn ku bixinayso ka hortaga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalka iyo musiibooyinka soo noq noqday ee abaaraha iyo fatahaadahu ugu waa weyn yihiin.