NISA oo shaacisay iney gacanta ku dhigtay ganacsato macaamil la sameeyay Al-shabaab


Sabti, Juun, 1, 2024 (HOL) - Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad la sheegay in macaamil la sameeyeen kooxda Al-shabaab.

newsinsideWar qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in hay'adda soo qabatay xubno ganacsato ah oo si dhuumaaleysi ah lacago baad ah usoo weydiisay kooxda Al-shabaab, islamarkaana wali ciidanka ay ku raad joogaan xubno kale oo ganacsato ah.

Hay’adda NISA ma shaacin magacyada iyo tirada ganacsatada macaamilka la sameysay kooxda Al-shabaab oo ay gacanta kusoo dhigtay.

Qoraalka NISA ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka feejignaadaan qorshaha kooxdu ay ku dooneyso iney ku boobto hantidooda.

Hoos ka akhriso warka kasoo baxay hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka:-