7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2024
Faahfaahino kasoo baxay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Bardaale
 

Sabti, Jun, 1, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo maleeshiyo beeleed ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka maleeshiyo beeleedka ah ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo gudaha magaaladaasi ay ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dad ku sugan gudaha degmada Bardaale ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhnac, hayeeshee lama xaqiijn karo inta u dhan yahay khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka.

Maleeshiyaadkaan weerarka ku qaaday fariisimaha ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Bardaale ayaa ahaa kuwa bishii lasoo dhaafay si awood ah looga saaray gudaha degmadaas, waxaana weerarkooda uu imaanaya, kadib markii la sheegay in lagu guul dareestay wadahadlo la doonayay in xiisada lagu xaliyo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid wali kacsan, maadama ciidamada dirirtu dhexmartay wali ay ku wada sugan yihiin gudaha magaalada, islamarkaana la filan karo in markale uu dib  qarxo dagaalka.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.