7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2024
Maraykanka oo sheegay inuu saddex katirsan Daacish ku dilay duqayn ka dhacday Puntland
 

Sabti, Jun, 1, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa si rasmi ah u sheegay inuu fuliyay weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Dhaardaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulka Puntland.

“Qiimaynta hordhaca ah ee duqeynta ayaa ah in saddex ka tirsan Daacish lagu dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Africom oo la soo dhigay baraha internetka.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay, maalmo ka dib markii ay soo baxday warbixin sheegaysay in Daacish ay ballaarisay joogitaankeeda gobolka Bari ee Puntland, iyadoo la sheegay in kooxdu dhaqaale badan ka heshay ganacsiyada magaalada Boosaso.

Toddobaadkii hore, madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka dhawaajiyay walaac ku saabsan khatarta kooxaha argigixisada ee Soomaaliya, isaga oo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii aan la qaadin tallaabooyin wax looga qabanayo.