7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2024
Ciidamada Itoobiya oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadkan

Sabti, Juun, 1, 2024 (HOL) - Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka baxaan dalka dhamaadka December 2024, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka, Xuseen Sheikh Cali.

Ciidamada Itoobiya ayaan ka mid noqon doonin ciidamada AU-da" ee ka howlgali doona Soomaaliya marka uu dhamaado howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), bisha December ee sanadkan.

La taliyaha amniga qaranka waxa uu sheegay in ciidamada lagu dhisidoono howlgalka cusub ay ka imaan doonaan afar waddan oo kala ah, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS. Waxaa sidoo kale qeybo kamid ah gobolada Koonfurta dalka ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka ahayn howgalka ATMIS.

ATMIS ayaa la filayaa in ay Soomaaliya ka baxdo dhamaadka December 2024, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2710 (2023).

Si kastaba ha ahaatee, ATMIS waxa ay sheegtay in ay jiraan qorshayaal lagu dhisayo ciidan ka dambeeya ATMIS si ay gacan uga geystaan ilaalinta xarumaha istiraatiijiga ah ee dadka, xarumaha Qaramada Midoobay iyo xarumaha muhiimka ah ee dawladda.

Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay, ka dib markii 01-kii January ee Sannadkan ay Itoobiya la saxeexatay Heshiis Is-afgarad ah maamulka Somaliland, iyadoo heshiiskaas uu Itoobiya u oggolaanayo inay Badda ka hesho Saldhig Milatari yo deked ganacsi, si ay Somaliland iyaduna aqoonsi u hesho.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiiskaas, waxayna bishii April eriday safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, Muqtaar Maxamed Waare, waxayna amar ku bixisay in la xiro xafiisyada qunsuliyada Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland.